Ra’iisul Wasaarihii dalka Suudaan oo is casilay

1036

Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo xilli ay socdaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukunka milateriga.

Milateriga ayaa afgambi billaabay bishii Oktoobar waxayna Mr Hamdok sameeyeen xilligaas xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu soo celiyay xukunka bishi xigtaya ka dib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi ah.

Mudaaharaadayaashu diiddana sida xaal u socdo ayaa muddooyinkii u danbeeyey sii waday i ay waddooyinka gaaf wraeegaan xilli ay dalbanayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Hamdok ku sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub oo Sudan ay ugu gudubto xaalad dimuqraadiyad.