Wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macdanta Jubbaland oo kormeeray goobaha shidaalka lagu iibiyo ee magaalada kismaayo

967

Wasiir ku xigeenka wasarada batroolka iyo macdanta dowlad goboleedka jubbaland mudane maxamed Degow huseen oo maanta koormeer ku tagey goobaha lagu gado iyo goobaha lagu keediyo shidaalka ee ku yaala magaalada kismaayo ayaa uga digay ganacsatada shidaalka ee isku dhex gada  maqaayadaha shaaha iyo shidaalka iyo dadka ku keediya shidaalka goobaha aan loogu tala galin ee halista ku ah dadka deegaanka.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka codsadey laamaha amaanka, ciidamada booliiska iyo maamulka degmada kismaayo in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa qatarta ay keeni karto in dab laga shido oo wax lagu kariyo goob shidaal iyo shidaalka lagu keediyo goobaha aan loogu talo galin.

Wasiir ku xigeenka wasarada batroolka iyo macdanta dowlad goboleedka jubbaland mudane maxamed Degow huseen oo kormeeka ka dib warbaahinta xafiiskiisa kula Hadley ayaa ka Warbixiye kormeerkan iyo waxa uu ku saabsanaa.

Hadalkan wasiir kuxigeenka kasooo yeeray ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer hore uu dab ka kacay goobo shidaal iyo maqaayado isku dhexyaale kuwaasi oo dhaliyey qasaare naf iyo maalba leh.