Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Internationa Airport kusoo dhoweeyay Wasiirada Gaashaandhigga Amniga Wasiir Ku Xigeenka Warfaafin Xubnaha labada gole ee Dowladda iyo Masuuliyiin kale.
Dhanka kale waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cali Kaariye Qoorqoor.
Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Madaxda ay ka qeyb gali doonaan Shirka golaha wadatashiga qaran ee ku dhawaaqay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.