Aqoonyahanada iyo waxgaradka Jubbaland oo ku baaqay in dagaalka Bosaaso la joojiyo

830

Odaayasha iyoWaxgaradka ku nool magaalada Kismaayo ee caasimada ku meelgaarka Jubbaland ayaa waxa ay ka hadleen dagaalka maalintii labaad galay ee ka socda magaalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dagaalka oo gaystay khasaare naf iyo maalba-leh ayaaa waxgaradka Jubbaland waxaa ku baaqeen in deg deg loo joojiyo oo wax kasta wada hadal lagu dhameeyo.

Odayasha dhaqanka ayaa madaxda Puntland ka dalbaday in dagaalka la Joojiyo.

Hadalka baaqa ee waxgaradka Jubbaland ayaa waxaa uu qayb ka yahay baaqyo kala duwan oo ay dirayaan waxgaradka soomaaliyeed taasi oo ku aadan joojinta dagaalka Bosaaso.