Guddoomiye Cirro”Marnaba lama hakin doono doorashada golaha shacabka”.

1112

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan joojin doonin sii socodshada doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, balse kuraasta qaar ee doorashadoodu ka dhacday Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed dib loogu laabanayo doorashadoodu islamarkaana ay baaritaano ku sameeyeen ayna ka go,an tahay iney saxaaan qaladaadka ka dhacay kuraasta qaar.

Guddoomiye Cirro ayaa tilmaamay in sida doorashada Golaha Shacabka ay u socoto ay tahay hanaan dadban oo ay ku heshiiyeen Golaha wadatashiga qaran islamarkaana ay go,aankeedu iska lahaayeen iyagu, Balse ka Guddi ahaan ay yihiin kuwa fulinaya qabsoomida doorasho masuuliyadna ay ka saran tahay iney illaaliyaan wixii lagu heshiiyay oo ku aadan Doorashada.

Hadalka ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka  ayaa waxaa ku soo aadayaa  xili weli khilaaf iyo dood adag ay ka taagan tahay kuraasta qaar ee Golaha Shacabka ee lagu kala doortay Galmudug iyo Koofur Galbeed.