Culimadda Jubbaland oo Bilaabay in ay Caawiyaan Dadka ay Abaaraha ay saameeyen

820

Iyadoo xaaladaha abaaraha ee ka jira qeybo ka mid ah Jubbland laga deyrinayo , ayna isa sootarayan baaqyadda ka imaanaya dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayaa maanta waxaa masaajidka Suqweyne ee magaaladda Kismaayo lagu qabtay kulanka ay iskugu imaadeen qaar ka mid ah culimadda magaladda.

Waxaana kulanka looga hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoona dadka ku dhaqan Kismaayo loogu baaqay in qof kasta waxaa uu ku tari karo walaalaha abaaraha ay saameeyeen uu kutaro, hadii ay tahay lacag,ama raashin.
Sheikh Axmed sheikh Cali Siiro oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in warbixino aan loo dulqaadan Karin ay soo gaarayaan sida dad la sheegay in ay oon naftu ugu baxday, iyo nin lo’dii uu lahaa ay ka dhamaatay,kadib caruurtii uu wada la soo istaagay, iyagoo oon laga lagalanaya gaari kabaxay Kismaayo oo dhobley usocday uu arkay oo kadib biyo iyo sidii kale oo loo cawinkaray loo caawiyay waa sida uu sheegay sheikh Axmed siiro
“hal naf oo aad khajacle biyo ah aad kubad baadiso waxay lamid tahay adigoo dadka dhaqan bad baadiyey” sidaas waxaa yiri Sheikh Axmed sheikh Cali Siiro oo kamid ah culimadda magaaladda Kismaayo.

Dhankale Qaar ka mid Culimaddii iyagana kulanka ka soo qayb gashay, ayaa shacab-ka ku dhaqan Kismaayo ugu baaqay in ay ka qayb qaatan , sidii lagu badbaadin lahaa dadka u dhaamayana Gaajadda iyo Onka , iyagoona sidoo kale qof-kasta waxa uu awoodo,hadii ay tahay raashin ama lacag uu geeyo masaajid yadda kala,ah Xamse, Alxamdu lilaah, Jaamac khadiim, xareed yaroow , Suuq weyne , Fadlulaahi ama uu lasoo xariimo culimadda
“Qofkii helikara Bariis, Bur,Timir, ama lacag ha noo keenao anaga ayaa gaarsiinayna dadka baahidda uqaba, maanta walalkaaga hadad noo leyso adigana Alle ayaa kunooleynaya” sidaas waxaa yiri qaar kamid Culimadda Magaaladda Kismaayo.
Meelaha ugu daran baaraha ee laga soo warinayo xaaladdaha aadka udaran ayaa waxaa kamid Degmadda badhaade, Degmadda AFmadow deegano hoos yimaadda dhobley iyo deegaano iyo degmooyin hoos yimaadda Jubbadda hoose ,Jubbadda dhexe,iyo Gobolka gedo.
Saaka ayaa maasjidka xareed Yarow laga bilaabay lacag aruurin,, raashin , iyo Timir loo aruuriyay dadka ay abaaruhu saameeyeen, sidookale waxaa xigi doona maasaajidyo kale oo iyagana laga aruurin doono