Munaasabad lagu weyneenayo 67 sano guurada maalinta cunnada aduunka ayaa waxa ay maanta ka qabsoontey magaalada kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

930

Xuska maalinka cuntada aduunka oo ay soo qaban qaabisey wasaaradda beeraha iyo waraabka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay maanta ka dhacdey magaalada kismaayo, munaasabada oo hal kudhigeedu ahaa “tacabkeena waa mustaqbalkeena”

ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotey labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland, qeybaha bulshada reydka, iskaashatooyinka beeraleyda Jubbaland iyo bahda fanka .

Intii ay socotey munaasbaada ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso iyo majaajilooyin ka turjumaya wax soo saarka beeraha iyadoona sidoo kale lagu soo bandhigay qaar kamid ah qudrada ay soo saareen beraleyda ku sugnaa munaasabada.

Qaar kamid ah Masuuliyiinta kasoo qeyb gashey munaasabada oo hadalo kasoo jeediyay goobta ayaa si weyn uga Hadley ahmiyada ay u leedahay bulshada soomaaliyeed in ay beertaan  dhulkooda madaama uu dalkeenu uu ku fiican yahay beerashada  iyo sidaa dalkeena looga samata bixin karo dhibaatooyinka bini aadanimo ee ku soo laablaabtey.

Codka

Dhanka kale wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka Jubbaland Geelle Maxamed Aadan oo munaasabada daah furayey ayaa ugu baaqey dadka soomaaliyeed gaar ahaan reer Jubbaland in ay ka kaaftoomaan gacmahaa deep bixiyayaasha loona baahan yahay in ay berahooda fashaan si ay isku filnaasho u garaan.

Codka

Xuska Maalinka cuntada aduunka ayaa waxaa sidoo kale maanta looga dabaal dagayaa 150 wadan oo daafaha dunida waxaana xuska maalinkan uu kusoo aadayaa xilli abaaro aad u daran ay ka taagan yihiin deeganada Jubbaland.