Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland oo maanta qabatay munaasabada lagu xusaayey maalinta dalxiiska Aduunka

1084

 
Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxay qabatay xafladd lagu maamusayey maalinta dalxiiska aduunka oo ku beegan labaatan iyo todobadda bisha sagaalaad taas oo sanad kasta laga xusso guud ahaan caalamka, waxaana munaasabadda ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda ,xildhibaaano ,wasiiro iyo marti sharaf kale.
Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso iyo ruwaayad kahadlay say dalxiiska ,sidoo kale waxaa masuuliyiinta lagu casuumay munasabadda khud badahooda ay tabanayeen muhiimadda dalxiiska iyo soomaaliya sidii waagii hore loogu soo dalxiis tagi jiray.

Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo jilic gudoomiyaha degmadda kismayo oo hadal kajeediyay goobta ayaa ka sheekeeyay goobihii dalxiiska ee dhulkeena lahaan jiray bari samaadkii
“dadku niyadda waxay kuhayaan dalxiis si ay ugu dalxiisaan dhulkooda hooyo lknse waxaa baaba ay goobihii loo dalxiisi jiray waxaan mar dhow bilaabi doonaa dib usoo nooleyn goobihii dalxiiska ee bari samaadkii “sidaas waxaa yiri Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo jilic gudoomiyaha degmadda kismayo ahna duqa magaladda .

Xildhibaan Cabdi naasir Adan Axmed oo ka mid ah golaha wakiiladda dowladd goboleedka Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in loo istaago dib usoo celinta dalxiiska, waayo dalxiiska waxaa laga samayn karaa dhaqaale aad ubaddan
“farba farbaa lagu kabaa maamulka Jubbaland iyo wasaradda deegaan iyo dalxiiska Jubbaland waxaa laga rabaa soo nooleynta goobihii dalxiiska ee loosoo dalxiis tagi Jiray “ sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cabdi naasir Adan Axmed oo kamid ah golaha wakiiladda dowladd goboleedka Jubbaland
Wasiirka wasaradda warfaafinta Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in lasamayn doono isku tashi lagu hagaajin doono gobihii dalxiiska ee Jubbaland
“waxaan samayn doona isku tashi aan kusoo celin doono goobaha muhiimka ah ee dalxiiska ku haboon “ sidaas waxaa yiri Wasiirka wasaradda warfaafinta Jubbaland Suleymaan Maxamed Maxamuud
Caydiid Saleeban Xaashi wasiirka wasaradda deegaanka iyo dalxiis Jubbaland ayaa dhankiisa xusay gooba caanka ah ee dalxiiska ku wacan ee ku yaala Jubbaland sida goobweyn oo wabigga iyo badda iskaga darsamaan iyo baar sanguuni oo uu marro dhulbaraha adduunka.
wasiir caydiid ayaa ganacsatadda soomaaliyeed kubooriyay in ay maal gashaddaan goobaha dalxiiska si loogu soo dalxiiso
“Sadexda gobol ee ay ka koobantahay Jubbaland waa dhul wadda cagaaran oo dalxiiska kuwacan ganacsatadda soomaliyeed waa in ay maal gashtaan dhulkaas si hadhow caruurtooda ay uga tagaan ayaayo waxtar leh”sidaas waxaa yiri Caydiid Saleeban Xaashi wasiirka wasaradda deegaanka iyo dalxiis Jubbaland