Deegaanka Kulbiyow oo ay ka jirto biyo la’aan xoogan

1226

Deegaanka kulbiyoow oo hoos yimadda deggmadda badhaadhe ee gobolka Jubbadda hoose ayaa waxaa Ka jirta biyo la’aan aad udaran taasi oo keentay in dadka qaar ay ka barakacaan deeganka iyagoo u barakacay dhinaca waqooyi bari Kenya,majiraan wax ceel ah oo kaqadon deeganka kulbiyow waxaana dadku ay kacabi jireen warro oo gaarayaa ilaa afar warrood.
Deegaanada hoos imaada kulbiyow ayaa iyagana la qaba dhinaca biyo la’aanta,waxaana xaaladan biyo yarida ah ay taagan tahay mudo bil ah sida uu sheegay gudoomiyaha deegaanka Kulbiyow.
Haatan dadka deegaanka ku hadhay ayaa isugu jira dad leh gadiid oo biyaha ka soo iibsada meelo ka fog Kulbiyow iyo kuwo aan awoodin balse dulsaar ku ah dadkaas biyaha soo dhaansada.
Muqtaar Cabdi Maxamed wuxuu kamid yahay dadka deeganka kulbiyow waana xoogsato qoyskiisu wuxuu ka koobanyahay shan qof ma,awoodo in uu si joogta ah uhelo biyaha lacabo isaga iyo qoyskiisaba
“ aniga qoyskayga biyaha ay cabaan xoogsi ayaan ku keenaa mararka qaar gaari ayaan dhaladda ka koraa waxaana iga soo gaari kara dhibaato” sidaas waxaa yiri Muqtaar Cabdi Maxamed oo kamid ah dadka deeganka kulbiyow oo biyo la,aan darran kajirto.
Cabdi Axmed Caafi wuxuu kamid yahay dadka deeganka kulbiyow gaari taksi ah oo uu kureysto ayaa reerkiisa oo ka kooban lix qof ayuu biyo ugu raadiyaa meel labaatan iyo shan kilo mitir ujirta deeganka oo ah Kenya, waxaana ugu baxa kiradda gaariga lacag garaysa kontan dollar
“biyo la,aan wax kaxun maleh aniga biyaha waxaan udoona meel laabantan iyo shan kilo mitir ujirta degganka lacag tontan dollar ah ayaana iiga baxda waxa aan intaas umaranaya waxaa weeye in qoyskeyga ay helaan biyo “ sidaas waxaa yiri Cabdi Axmed Caafi oo kamid dadka deeganka kulbiyoow
Adan Xuseen Axmed gudoomiyaha deeganka kulbiyoow oo isgana aan wax kaweydiyay biyo la,aanta ka jirta kulbiyoow ayaa waxa uu ii xaqiijiyay in qaar kamid ah dadka deeganka ay ubarakaceen dhinacana waqooyi bari Kenya, dhankale gudoomiyaha ayaa waxa uu baaq udiray dowlad goboleedka Jubbaland isagoo codsaday in sida ugu shaqsiyaha baddan biyo loola soo gaaro.

“afar warrood ayay kacabi jireen dadka dagan aaga Kulbiyoow dhamaantoodna wey gureen qofka Gaari haysta ayaa meelaha fog ee biyaha lagu sheego uraadsa deegankana ceel kama qodna xaalad adag ayaa lagu jiraa dadkiina wey barakaceen” sidaas waxaa yiri gudoomiyaha deeganka kulbiyo oo hoos yimadda degmadda Badhaadhe Adan Xuseen Axmed