
Maanta oo khamiista ah ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka bilaaban doono diwaangalinta Musharaxiinta u tartamaya xubnaha aqalka sare ee gobolada waqooyi ee Soomaaliland.
Dooraahada ayaa waxaa ay dhici doonta 28-ka bishaan oo ku beegan talaadada soo socota, islamarkaana ay ku eg tahay 30-ka bishaan.
Kuraasta doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood ayaa lagu wadaa iney qabsoonto dhamaadka bishaan.
Dhawaan ayay aheyd markii guddoomiyaha aqalka sare Cabdixaashi Cabdullaahi iyo R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ay R/wasaare Rooble u gudbiyeen liiska Musharaxiinta ku tartaneysa doorashada Aqalka sare ee Soomaaliland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







