Cali Guudlaawe oo xalay la kulmay Senatorada cusub ee Aqal Sare ee BFS

812

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Magaalada Jowhar waxaa uu kulan uu kula qaatay Senatorada cusub ee Aqal Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmo ka hor lagu doortay magaaladaasi.

Cali Guudlaawe ayaa marka hore u hambalyeeyay Sanotarada Cusub ee dhawaan la doortay, kuwaas oo uu sheegay inay horyaallaan shaqooyin adag iyo u Shaqeynta Bulshadooda.

Qaar kamid ah Sanotarada la doortay ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle sida huufan ee uu u soo saaray liiska musharixiinta Aqalka Sare , isla markaana dhankooda ay guda geli doonaan howlihii loo xilsaaray.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,, Gudoomiye Ku Xigeenada Baarlamaanka Wasiiro Xildhibaano Maamulka Gobolka iyo Marti sharaf kale.