Machadka luqadaha ee Al-hilal oo ka mid ah goobaha waxbarshada ee magaladda Kismaayo ayaa Waxbarasho lacag la’aan ugu deeqay caruurta agoonta,danyarta iyo kuwa ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Kenya ee aan awoodin qarash-ka waxbarashadda.
Waxaana Fursadaan waxbarasho ka faa’iidaystay Afartan Caruur ah oo gabdho u badan oo waalid kood Awoodi waayeey in ay ka bixiyaan waxbarashada goobaha gaarka loo leeyahay.
Caruurtaan ayaa waxaa ay bartaan Quraanka Kariimka ,farta soomaliga,Tarbiyadda Islaamka,Xisaabta ,Luuqadda carabiga iyo kuwa kale, barnaamijkaan wax lagu baraayo dadkaani ayaa waxaa uu socdaa muddo bil iyo bar, waxaan booqanay machadka gaar ahaan meelaha ay wax kubartaan gabdhaha , iyadoona wajiyadooda aad ka dareemayso sida ay ugu farax sanyihiin waxbarashaddan lacag la’aanta ee la siiyay, iyo sida ay dadaal ugu bixinayaan waxbarshadda.
Da’da caruurta hellay waxbarashadda ayaa waxaa ay u dhaxeysaa lix jir ilaa Afar iyo Toban Jir. Sihaam Cabdi Dhayib iyo Nimco Cabdi Dhayib waa labo gabdhood oo walaalo ah, waxayna dhigan jireen Iskuulka Jubba fasalka koobaad balse waa laga saaray,sadex bilood ka hor sidaas ayayna xaafad Joog ku noqdeen ka dib markii waalidkood ay u awoodi waayeen in ay ka bixiyaan lacagta Iskuulka, taasi waxay keentay in ay ka haraan waxbarshadda, rajadooda ayaa dib u soo laabatay markii waalidku ay maqleen in waxbarsho lacag la’aan ah ay hellayaan caruurta danyarta ah.
“dugsigii aan dhigan jirnay waxaana la dhahay lacag keenna lacagtaasna waalidkeena mahayn saas markii la dhahay dugsigii waan ka baxnay guriga ayaana iska joognay ilaa markii aan maqalnay waxbarashadadan lacag la’aanta ah ee aan kusoo biirnay “ sidaas waxaa yiri Niciimo Cabdi Dhayib . Niciimo Cigaal Adan waa toddobo Jir waxay ka mid tahay gabdha ay soo wajahday duruufta waxbarashadda dugsi Quraan ayay dhigan Jirtay waana laga saaray waayo waaxaa loo waayay lacagtii laga bixin lahaa dugsiga
“aniga dugsii Quraanka waa Laiga saaray waayo waalid key way awoodi waayeen in ay dabaraan waxbarashadeyda sidaas ayaana xaafad joog kunoqday “ sidaas waxaa yiri Niciimo Cigaal Adan oo kamid gabdhaha da,ada yare e wax kabarta machadka Alhilal
Cabdi Wahaab Macalin Xuseen maamulaha machadka Al-hilal ayaa ugu horeyn sharaxaya sidii ay ku bilaabatay waxbarashaddan lacag la’aanta ah ee la siiyey ardayda danyarta, Agoonta ,iyo kuwa ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga.
“markii caruurta waxbarata ay adaan waxbarashadooda waxaa xaafadaha kusoo hara kuwo agoonta ,iyo danyarta ee loo waayay lacagtii waxbarashadda looga bixin lahaa aniga iyo dadka ila shaqeeyaba waxaan u istaagnay in aan wax barno caruurta xaafaddaha jooga ee danyarta weliba si lacag la,aan ah” sidaas waxaa yiri maamulaha machadka luuqaddaha ee Al hilal Cabdi Wahaab Macalin Xussien .
Cabdi wahaab oo aan weydiiyey waxyaabaha ku dhaliyey in ay bixiyaan waxbarshaddan lacag la’aanta ayaa waxaana uu ii sheegay in uu goob joog u ahaa arday lahayd faham waxbarsho oo wanaagsan balse waalidkii ay waxbarashii uga bixiyeen qarash la’aan darteed. “sided sanno ayaan macalin ahaa waxaan arkay arday lahayd faham fiican oo waxbarashadii looga saaray qarashkii waxbarashadda looga bixin lahaa oo la waayay taas ayaa igu dhalisay in aan wax barsho lacag la,aan ah aan siino danyarta ,agoonta ,iyo qofkasta oo aan awoodin lacagta waxbarshadda “ sidaas waxaa yiri maamulaha machadka luuqaddaha ee Al hilal Cabdi Wahaab Macalin Xussien.