Hay’adda nabad galayada wadooyinka Jubbaland oo amar ka soo saartay Xoolaha lagu xanaaneeyo gudaha magaalada Kismaayo

1153

Laanta nabad galyada wadooyinka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay amarro ka soo saartey xoolaha lagu soo daayo magaalada gudaha magaalada Kismaayo qaasatan wadooyinka dhexe magaalada.
Xoolaha lagu siidaayo gudaha magaalada Kismaayo ayaa keena dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horayso in baaburta ku dhex gooshaysa Kismaayo ay shil galiyaan iyo in neefkii intii uu imaado wadada uu jiidho gaadhi ku socda si xawliya.
Dadka ku dhaqda xoolaha gudaha magaalada Kismaayo ayaa ku soo badanaya gudaha magaalada,ilaa iyo haddana majirto wax nidaam ah oo loo sameeyey xolahaas jooga magaalada Kismaayo.

Taliyaha laanta nabad galyada wadooyinka ee taraafikada magaalada kismaayo korneel xiis Bashiir Qaliif oo radio kismaayo wareesi gaar ah siiyay ayaa sheegay in xoolahan lagu soo daynaayo laamiyada magaalada ay keenaan dhibaatooyin isagoona xusay in ganaax ay ka qaadi doonaan dadka iska leh Xoolaha,hadii ay ka ka xaysan wayaan wadooyinka iyo meelaha muhiim-ka ee gudaha Kismaayo.

Taliyaha Laanta nabad galyada wadooyinka ayaa sheegay hadii xoolaha dadka iska leh banaanka ay ka ka xaysan wayaan in ay iyagu ka ka xaynayaan,taasna ay kala tashadeen wasaaradda xanaanada xoolaha.