30 haween ah oo bartay Xirfadda ka ganacsiga kalluunka oo la gudoonsiiyay agab ay ku shaqeystaan

1204

Agabkan oo isugu jiray Qaboojiyeyaal loo isticmaalo keydinta kalluunka, Kafadaha wax lagu miisaamo iyo agab kale oo loo adeegsado ganacsiga Kalluunka ayaa la gudoonsiyay ilaa 30 dumar ah kuwaa oo soo dhameystay tababar la xiriira kalluumeysida oo socday muddo 20 bari ah kaasoo ay bixineysay wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka badda Jubbaland iyo hay’adda iskaashiga iyo horumarinta Jarmalka ee GIZ.
Muddadii uu tababarka u socday haweenka ayaa waxay baranayeen nadaafadda iyo karinta kalluunka , jarjaridda kalluunka iyo sida ay ku kala garan karaan kalluunka wanaagsan iyo kan aan wanaagsanayn .

Wasaaradda kalumeysiga iyo kheyraadka badda dowlad goboleedka jubbaland iyo hay,ada GIZ ee oo iskaashanaya ayaa gudoonsiiyay haweenkan ka faa’iideystay tababar agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen.
Barnaamijkan ayay wasaaraddu sheegtay in ujeedkiisu yahay in lagu dhiirigeliyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka, gaar ahaan kalluumeysiga, maadaama Jubbaland ay marto badweynta hindiya, taasoo qani ku ah kalluumeysiga.

Goobta agabka lagu bixinayay waxaa joogay wasiirka wasaaradda kallummeysiga iyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo masuuliyiin ka socotay ha’adda GIZ.
Qaar kamid haweenkii la siiyay agabka ayaa Radio Kismaayo u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin agabka ay wasaaraddu gudoonsiisay, ayagoo sheegay in uu wax badan ka caawin doono ganacsigooda iyo weliba maareynta nolosha qoysaskooda.
Wasiirka wasaaradda kallumeysiga Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim ayaa faray haweenkii la siiyay agabka in ay u isticmaalan si ay ugu shaqaystaan ayna iska gadin inta ay suuqa geeyaan isagoo intaa ku daray in wasaaraddu ay sii wadi doonto caawinta kalluumeysatada, si gaar ah dumarka ka ganacsada kallumeysiga