Wasaaradda xanaanada xoolaha Jubbaland oo manta daahfurtay tababarka Dhaqashada casriga ah ee Shinida .

1054

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo uga daah-furtay 15 qof oo ka mida bulshada deegaanka Goobweyn tababar lagu baraayo cilmiga dhaqashada casriga ah ee shinida.
Tababarkaan oo soconaya mudo toban maalin ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya sida loo dhaqdo shinada iyo waliba sida wax looga soo saaro.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Jubbaland Cabdullaahi Cali Faarah ayaa Radio Kismaayo u sheegay in dadkaan manta tababarka dhaqashada shinida loo furay ay ahaayeen dad horay u dhaqan jiray shinida,waxaana uu intaas ku daray in marka tababarka dhamaado lagu wareejin doono si koox koox ah qalab-ka dhaqashada Casriga ee Shinada.

 

Agaasimaha oo si gaar ah waraysi u siiyey Radio Kismaayo ayaa ka warbixinaya muhiimada ay bulshada Jubbaland u leedahay dhaqashada shinada iyo wax soo saarkeeda.

 

Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland Maxamed Nuur Cali oo manta daah-furay mashruucan dhaqashada casriga ee shinada ayaa tilmaamay muhiimada dhaqashada shinada iyo wax-tarkeeda oo xiliyadii hore ay dadka Soomaaliyeed siwayn can ugu ahaayeen.