Golaha barlamaanka Jubbaland oo maanta loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka ganacsiga iyo maalgashiga

1328

Golaha Barlamaanka Dowlad Gobbledka Jubaland ayaa manta yeeshay kalafadhigii sadexaad fadhigiisa 8aad kaas oo uu ahaa Ajanduhu ka doodista xeerka maalgashiga iyo shatiyada ganacsiga oo ay baarlamaanka usoo gudibsay wasarada ganacsiga iyo warshadaha .
Kulanka Golaha Barlamaanka Jubbaland ayaa waxaa manta soo xaadiray 51 xildhibaan.
xildhibaadana ayaa loo qeyboyay xeerka maalgashiga iyo shatiyada iyadoona 2 maalin soo aqrindoona xildhibanada xeerka uusoo gudibiyay wasiirka ganacsiga waxaana dib laiskugu soo laabandoono maalinta talaada si loo ansaxiyo xeerka maalgashiga iyo shatiyada ganacsiga .

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warashada Jubbaland Cabdi wahaab Axmed Ismaaciil oo Golaha ka hor hadlay ayaa sharaxaad kabixiyay qaybaha uu ka koobanyahay xeerka maalgashiga.

Bile Cabdule Cabdi gudoomiyaha gudiga ganacsiga iyo warshada golaha barlamaanka jubbaland ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka golaha barlamaanka warbaahinta ufaahfaahiyay waxa uu kusaabsanaa kulanka maanta