Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay kulan isugu keenay Ra’iisul Wasaaraha XFS , Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta.
Arrintan ayaa waxaa ay fursad muhiin ah u siinaysay masuuliyiinta kala duwan, islamarkaana ay isla meel dhigaan go’aanadii ka soo baxay Shirkii Gollaha Wadatashiga oo ay war saxaafadeed ka soo saareen Musharaxiinta.
Kulanka ayaa looga hadlay in si deg deg ah loo xalin doono tabashooyinka ay qabaan midowga musharixiinta mucaaradka