Shirka gollaha wadatashiga oo galay maalintii labaad.

881

Waxaa Maalintii labaad xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdiaho ka furmaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeybgalayaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda, madaxda shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominaya shirkaan wadatashiga qaran, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa ajendayaasha shirka sidii looga doodi lahaa oo ay ka mid tahay arrimaha doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo shalay muqdisho ka furmay ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xaroon iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahim Moalimuu.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Shirkaan iskugu yeeray todobaadkii hore Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir , kadib kulan fogaan-arag ah oo uu la qaatay madaxda mamul goboleeyada, isagoo dhinaca kale ku boorriyay dardar galinta iyo hufnaanta arrimaha doorashooyinka dalka.