Ciidanka xoogga Dalka oo hawglo looga sifaynayo Argagixisadda Al-shabaab ka wada gobolada dalka

1012

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo is kaashanaya ayaa hawglo culus oo looga sifaynayo Argagixisada Al-shabaab ka wada Deegaamada gobolka Mudug, degaanka Caad oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa ka mid ah goobaha hawlgaladu ka socdaan iyagoo Ciidanku gacanta ku dhigeen goobahaas ka dib markii Argagixisada lagu gaarsiiyey jab xooggan iyadoo halkaas lagu dilay 25 ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, qorshaha Ciidanka Xoogga ayaa ah inay maalmaha soo socda ka sifeeyaan magaalada Xarardheere oo kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab waayadan dambe gacanta ku haysay.

Dhinaca kale deegaamo ka tirsan gobolka Gal-guduud ayey ciidamaddu hawlgalo sifayn ah ka wadaan iyagoo wararka halkaas naga soo gaarayaa sheegayaan inay Ciidanku burburiyeen fariisimo kooxda Argagixisadda ahi kasoo abaabuli jireen falalkooda guracan ee ay Bulshada Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan.

Ciidanka Xoogga iyo maamulka Galmudug ayaa horumar weyn ka sameeyey hawlgalada gulufka culus ah ee looga sifaynayo kooxda Al-shabaab deegaamada Galmudug,hore ayey ciidanka gacanta ugu dhigeen Deegaamada Wisil,Bacaadweyne,qayacad, Shabeelow iyo deegaamo kale oo hoos yimaada.