Ujeedka Midowga Afrika ay shalay Muqdisho u yimaadeen muxuu yahay?

1007

 Golaha amniga ee midowga afrika wafuud ka socoto oo shalay muqdisho soo gaaray ayaa wado kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyaga oo kala hadlaya xaaladda Amni ee Soomaaliya.

Ujeedka ay muqdisho u yimaadeen wafuuda ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye, isagoo sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen in Hay’addaha amniga Somaliya ay diyaar u yihiin in AMISOM kala wareegaan amniga guud ee dalka.

Sidoo kale isagoo sii hadlayay agaasimaha ayuu sheegay in Maanta oo Arbaco ah uu shir uga furmi doono Magaalada Magaalada Muqdisho, Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya & kuwa AMISOM, si looga tashado xaaladda amni ee Soomaaliya.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa tiro dhowr jeer sheegtay inay diyaar u tahay in Ciidamada dowladda ay Ciidamada AMISOM kala wareegaan amniga guud ee dalka islamarkaana weli xoogaga Al-shabaab ay awood muuqato ku leeyhiin 1eybo ka mid ah dalka.