Kulan kan wadatashiga ah oo looga hadlayay diyaarintga qorshaha istaraatijiyadda waxbarashada ee deegaannada Jubbaland shanta sano ee soo socota ayaa lagu qabtay Hotel Agan ee magaalada Kismaayo, waxaana kazoo qeybgalay masuuliyiinta iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda waxbarashada, quburo ka socota bahda waxbarashada iyo qaar kamid ah hay’adaha wasaaradda kala shaqeeya dhanka horumarinta waxbarashada.
Kulankaan wadatashiga diyaarinta qorsha istiraatijiyada waxbarshada ee 5 shanta sano ee soosocota ayaa waxa uu socon doonaa muddo 3 maalmood ah, waxaana daahfuray kulanka wasiiru dowladaha wasarada waxbarshada Jubbaland Axmed Taajir xaaji Cabdulaahi isagoo sheegay in istaraatijiyadda la diyaarnayo ay muhiimad weyn u leedahay horumarinta waxbarashada Jubbaland shanta sano ee soo socota.
Wasarada waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare ee jubbaland ayaa wadda dadaallo kor loogu qaadayo waxbarshada deegannada Jubbaland ayadoo ay xusid mudantahay ololaha bar ama baro ee ay dhawaan deegaannada Jubbaland ka bilowday wasaaradda, kaasoo ah barnaamij wax lagu barayo dadka danta yar iyo kuwa aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka waxbarashada.