RW Rooble oo gaaray Magaalada Mombaasa Dalka Kenya

934

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaas oo lagu wado in galabta uu kula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaana wafddiga Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweysay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo dhawaan booqasho ku tegtay Muqdisho.

kulanka Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiradda lagus aari doonaa, sidii loo adkeyn lahaa xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo sanadihii lasoo dhaafaya haa mid aan wanaagsanayn.