Sadex Arday oo ku guulaysatay Abaalmarinta Tartan Farshaxan oo lagu qabtay Kismaayo.

1013

Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha iyo wasaaradda Waxbarashada oo iskaashanayaa ayaa maanta waxay soo gaba-gabeeyeen Barnaamij ay ka wadeen Iskuulada ku yaala Kismaayo.

Barnaamijka farshaxanka Kaluunka  ayaa hal ku dhigiisa ahaa cuna kaluunka waxaana ka qaybgalay arday kala socotay Iskuulada magaalada Kismaayo.

Ardaydii Ku Guulaysatay Barnaamijkaan oo ahaa laba wiil iyo gabadh  ayaa waxaa la siiyey Abaal marin.

Goobta lagu bixinaayey abaalmarinta ayaa waxaa joogay Madaxda Wasaaradaha Warfafinta,Wasaaradda waxbarashada iyo Madaxda Hay’adda GIZ oo wasaaradaha ka caawinaysay hirgalinta barnaamijkaan.

Haashim Cabdiraxmaan Weheliye oo ah maamulaha iskuulka Khalid binu waliid oo Ugu horeyn goobta kahadlay ayaa  ka warbixye sadexda ardey  ee  abaal marinaha lasiisay .

 

Axmed Xuseen Cabdule Madaxa waaxda iskuulada ee wasarada waxbarashada oo isagana goob jook ahaa  ayaa bogaadiyay ardayda dadaalkii ay ku soo bixiyeen si ay ugu guleystaan Barnaamijkaan.

agaasimaha wasarada warfaafinta iyo hanuuninta daweynaha Cabdi shukri Carab Cumar ayaa umahad celiyay hayada GIZ oo barmaaijka farshaxanka kaluunka kacawisay wasarada isagoo sheegay in ujeeda ay aheyda dhiirigalin loosamaynayo ardeyda iyo in lasoosaaro hibada ardeyda