Madaxweynaha Puntland Deni Oo Magacaabay Guddi Cusub

1044

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da August oo ku beegan markii landhisay Maamulka Puntland.

Xubnaha Guddigaan ayaa ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo badankood ah Wasiirada Madaxweynaha Puntland.

Waxaana ay kalanyihiin Magacyadooda:

  1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye)
  2. Cabdisamed Maxamed Gallan Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin)
  3. Aamino Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin)
  4. Jaamac Faarax Muuse Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin)
  5. Cabdisalaan Siciid Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin)
  6. Cabdi Xasan Xuseen Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
  7. Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin)

Dowladda Goboleydka Puntland ee Soomaaliyeed oo la asaasay 1-da August Sanadkii 1998-dii bishii ayaa sameesay, waxaana hadda laga joogaa 23 sano