Wasaaradda Haweenka oo manta qabatay Shir looga hadlaayey sidii loo xaqiijin lahaa qoonda haweenka.

996

Wasaradda haweenka oo soo qaban qaabisay kulan ay ujeeda diisu ahayd aqoon is weydaarsi iyo wacyi galin loo sameynayo odaayaasha dhaqanka urarada haweenka iyo hablaha musharaxiinta ah si loo hubiyi xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ka ah ayaa maanta lagu soo gababayey magalada kismaayo, kulankaan ayaa waxa uu socday labo maalin.

 

Ururada haweenka , salaadiiin iyo masuuliyiin ka socotay wasarada haweenka ayaa goob jog ka ahaa .

ugu horeyn waxaa hadal kooban ka jeediyay aqoon is waydaarsiga Afhayeenka salaadiinta Jubbaland ugaas Cumar Xiirey wuxuuna tilmaamay in ay muhiimtahay in la xaqjiiyo ,lana dhaqan gasho qoondada haweenka ee ah boqolkiiba 30% wuxuuna haweenka kula dar daarmay in ay is muujiyaan ayna aqoon uyeeshaan qondadoda haweenka
intii uu socday kulanka aqoon is weydaarsiga ah ayaa la isla gorfeeyay sidii haweenka ay ku heli lahaayeen xaqa ay leeyihiin.

 

 

Dhana kale Agaasimaha arimaha bulshada ee Gobolka jubada hoose jaamac Cabdulahi Ugaas ayaa isagana dhankiisa sharaxaad ka bixiyay caqabadaha haysta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30% ka ah iyo sidii looga gudbi lahaa
Ibraahim c/laahi oo ka socday hayada Eisa oo ka shaqeysa arimaha doorashada ahna hay’adda barnaamijkan ka caawisay wasarad ayaa wax uu sheegay in ay wanaagsan tahay in siwanaagsan looga taxadaro xuquuqda haweenka ee aqalka sare iyo aqalka hoosaba
Waxaa madasha aqoon is weydaarsiga soo xiray wasiirada haweenka Jubbaland marwo Cadar Ismaaciil Juraati iyadoo ay sheegtay in ay siiwad doonan barnaamijyada kor loogu qaadayo xuquqda haweenka c