Munaasabadaan oo lagu xusaayey xuska 61 sanad guuradii ka soo wareegtay Markii goboladda konfurta Somalia ay gumaystihii talyaaniga ka qaateen xornimada ayna la midoobeen gobolada waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland ayaa lagu qabtay madaxtooyada Jubbaland.
Munaasabadaan ayaa waxaa goob jog ahaa Madaxwayne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdiqadir Xaaji Maxamuud luga dheere,Xildhibaano iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Waxaana munaasabada lagu dhex arkayey dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho aad u afarxsan xuska munaasbada 1-aad Luuly oo ku labisan dhar-ka Calanka Jamhuuriyada Federaalka soomaaliya.
Intiii ay socotay munaasabda lagu weyneynayey 1-aadluulyo ayaa waxaa la soo Bandhigay heeso ku saabsan 1-aad luulyo iyo callanka soomaaliya iyo gabay ka hadalyey qiimaha ay ledahay maalintaan iyo qaabkii loo soo maray xornimada gobalada koonfureed.
Waxaana ugu horeyn munaasabda furay wasiirka wasarada warfaafinta iyo hanunintaBulshada Jubbaland Suleymaan Maxamed Maxamuud, isagoo aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay maalinta 1-aad luuly.
Sidoo kale xildhibaan Shire Maxamed Cabdi ahna gudoomiyaha arimaha bulshada ee barlamaanka Jubbaland oo isagana dhankiisa kahadlay mumaasabada ayaa waxaa uu ka sheekeeyay kaalintii ay dhalinyaradu ku lahaayeen hellida xornimada dalka.
Wasiirada wasarada haweenka iyo arimaha qoyska Cadar ismaaciil Juraati
Ayaa iayada waxay xustay doorkii ay kulahaayeen haweenka soomaaliyeed munaasabada 1-aad Luuly iyo sidii dumarka soomaaliyeed uga qayb qaateen iska qaadidii heeryadda gumaysiga.
Markii lagaaray lixda saac ayaa waxaa aqalka madax tooyada laga taagay calanka soomaaliya.
Ugu danbayn madaxweyne kuxigeenka 2aad ee dowlad goboleedka jubbaland C/qaadir Xaaji maxamuud luga dheere ayaa sheegay in marnaba aan lahil maami karin naaftood hurayaashii soomaaliyeed ee u dhntay in somaaliya ay xernimo hesho.