Wasaaradda Cadaalada,Awqaafta iyo Arimaha diinta Jubbaland oo kulan la qaadatay culimada magaalada Kismaayo

1171

Wasaarada cadaalada, awqaafta iyo arrimaha diinta dowlada Jubbaland ayaa maanta kullan la qaadatay imaamada iyo mu”addimiinta masaajida ku yaala magaalada kismaayo.

 

Kullankani ay wasaarada la yeelatey imaamyada iyo mu’adinada magaalada kismaayo ayaa daarnaa sidii ay isku diiwan galin lahaayen culimada masaajidda magaalada oo ay ugu horeeyaan imaamada iyo mu’adinada iyo siidii ay u wadda shaqayn lahaayeen wasaarada Cadaalada iyo howlwadeenada masaajida.

Shirkaan ayaa waxaa goob jog ka ahaa wasiirka wasaarada cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta mudane Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar,Wasiir kuxigeenka wasaaradda Cadaalada,awgaafta iyo arimaha Cabdinuur Ibraahim Xussein iyo agaasimaha guud ee wasaarada.

 

Qaar ka mid ah culimadi ka soo qeyb gashay shirka ayaa uga mahad celiyey wasaarada howsha ay ku dooneyso isku xirka wasaaarada iyo culimada,waxaana culimada ka codsadey wasiirka wasaarada Cadaalada in uu wax ka qabto dhibaatoyinka ay la kulmaan masaajida oo ay ugu horayso dhinaca kutubta laga barto culuumta diinta Islaamka.
Ugu dambeyntii wasiirka wasaarada cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta mudane Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo kullanka soo xirey ayaa sheegay in wasaaarda ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato dhibaatoyinka haysta masaajida ka jira deegaanada Jubbaland,waxaana uu xusay in ay muhiim tahay in ay wada shaqeen yeeshaan cullimada masaajida iyo wasaarada cadaaalda.