Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laguwaddo in Kismaayo lagu qabto

1012

Wasiirka wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah  ee Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif oo dood kaga qayb galay Alaada Club House ayaa xaqiijiyey in uu jiro shir lagu balansan yahay in uu ka dhaco magaalada Kismaayo,Shirkaas oo ay yeelanayaan madaxda golaha qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay hadii uu shirkaas qabsoomo in diirada lagu saari doono fulinta heshiiskii doorashada ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka,markastana ay muhiim tahay in madaxda dalka ay shirar isku arkaan si loo sii dhaqaajiyo arimaha doorashooyinka dalka.

Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay in gudi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka loo diri doono gobolka Gedo sidii ku cadayd heshiiskii la saxiixay.

Hoos Ka Dhageyso Hadalka Wasiirka Qorsheyta Jubbaland