Midowga Yurub ayaa ugu hanjabay Mas’uuliyiinta dalka Lubnaan Cunaqabateyn toos ah hadii aysan badbaadin dhaqaale xumida wadankaasi uu la daala dhacayo.
Uqeybsanaha arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Josef Boril ayaa sheegay inuu kulankii uu la qaatay Madaxweyne Mishal Coon uu ku wargeliyay inay la kulmi doonaan cunaqabateyn adag hadii aan la badbaadinin dhaqaale hoos kusii socda dalka lubnaan.
Waxa uu sidoo kale ku booriyay in lasoo dhiso xukuumad cusub oo wax kabadal ku sameeysa siyaasadda iyo dhaqaalaha wadankaasi.