Kulankaan Waxaa soo qabanqaabisay Wasaarada deegaanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka jubbaland waxaana ka soo qayb galay Wasiiro Xildhibaano qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo masuuliyiin kale.
Muhiimada Kulanka ayaa aheed in la joojiyo Jarista iyo ka ganacsiga dhirta oo inta badan loo adeegsado in laga sameeyo dhuxusha.
Ugu Horeyn Gudoomiyaha dagmada kismaayo ibraahim yuusuf Maxamed timajilic ayaa ka hadlay sidii lagaga hor tagi lahaa xaalufinta dhirta isagoo sheegay in la sameeyo wacyi galin badan lagana wada shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa dhirta.
Dhanka Kale Xildhibaan cali cabdi Maxamuud Cali Xooga Oo ku hadlayay afka baarlamaanka dowlad goboleedka jubbaland gaar ahaan gudiga deegaanka iyo dalxiiska ee baarlamaanka Ayaa sheegay in ay masuuliyad daro ay tahay jarida dhirta sidaa darteedna la joojiyo xaalufinta dhirta sigaar ahna gudigooda uu wasaarada kala shaqeynaayaan sidii arintaasi ay u hirgali laheed.
Ugu Dambeyn Wasiirka Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Ceydiid Suleymaan Xaanshi Ayaa Gabagabada Kulanka Ka Hadlay Waxa uuna sheegay in sababta kulankaan loo qabtay ay tahay kadib markii ay qeylo dhaan kasoo yeertay odayaasha degaanka oo ku aadan xaalufinta dhirta waxa uu sheegay bilooyinkii ugu dambeeyay in aad loo jaray dhir muhiim u aheed xoolaha in ay daqaan xiliga abaarta taasna ay keentay in wasaarada ay arintaasi ka digto sigaar ah waxa uu u tilmaamay wasiirka in ganacsatada ay kala shaqeynayaan sidii ceymis loogu sameyn lahaa dhirtana ay ku badbaadi laheed.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya kadib markii ay aad ubadatay mudooyinkii ugu dambeeyay jarista dhirta loo isticmaalaayo dhuxusha taasoo meesha ka saareysa dhamaan Noolahii ku tiirsanaa dhirta ku taala keymaha.