In Ka Badan 30 Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Tareen Oo Saaka Dhacay

978

In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay laba tareen oo isku dhacay  koonfurta dalka Pakistaan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sidoo kale sheegtay in dad kor u dhaafaya 64 ay ku dhaawacmeen shilka, iyadoo laga yaabo in tiradu intaas kasii badato saacadaha soo socda.

Wararku waxey intaas ku darayaan in ay wali jiraan dad hoos ku jira tareenada isku dhacay.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imran Khan waxa uu ka tacsideeyey dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay shilkaasi, isagoo u tacsideeyey qoysaska dadkii ku geeriyooday Shilka Tareen.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu ka codsaday Wasiirka Tareenada inuu degdeg u booqdo goobta uu shilku ka dhacay iyo inuu hubiyo in Taageero Caafimaad la siiyey Dhibanayaasha dhaawacmay iyo in la caawiyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen shilkaasi.

RW Pakistan waxa kale oo uu amray in Baariaan dhab ahj lag sameeyo badqabka waddada Xadiidka ee ay Tareenada adeegsadaan.