Wasiirka Cusub ee Wasaarada kaluumaysiga Jubbaland oo manta xilka la Wareegay

997

 

Madax weyne kuxigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane maxamuud sayid Adan ayaa manta k aqayb gal munaasabd uu xilka kula wareegayey wasiirKa cusub ee wasaaradda kalumeysiga kaasi oo uu magacaabay madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasarada kalumeysiga ayaa waxaa xilka la wareegay wasiirka kalumeysiga Cabaas Cali Ibraahim iyo wasiir ku xigeenka Maxamed Cumar Bunu.
Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay agaasimaha ee wasaaradda kalumeysiga iyo khayraadka badda ,Maxamed khaliif waxaana uu sheegay in ay si hufan ay oo lashqayn doonan wasiirka cusub iyo wasiir ku xigeenkiisa.
Ugu danbayn madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbland Maxamuud Sayid Adan ayaa xilalka ku warejiyey wasiirka kalumeysiga iyo kheyraadka badda isagoo xilka kala waregay wasiirkii hore ee wasrada kalumeysiga Ibbraahim Xassan Baajun.