Wasaarada Deegaanka Jubbaland oo qabatay shir looga hadlaayey arimaha deegaanka

1002

Shir looga hadlaayey  arimaha deeganka ayaa waxaa manta magaalada Kismaayo ku qabatay Wasaarada deegaanka iyo dalxiiska ee dowlad goboledka jubbaland.

Kulankaan oo sadexdii bilood hal mar la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaray siyaasada arimaha deegaanka jubbaland iyo caqabadaha jira ee dhinaca deegaanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisey wasaarada deegaanka, ayaa waxaa goob jog ka  ahaa masuuliyiin  ka socday maamulka Degmada Kismaayo,gudiga arimaha deegaanka ee barlamaanka Jubbaland,Ururada bulshada rayidka ah, waxaana shirka daah furay Wasiirka wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaladn Caydiid Saleebaan Xaashi.

Inta uu socday shirkani ayaa a looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheyn ee deeganka  oo ay ka mid yihiin xaalufinta  iyo sidii wax looga qaban lahaa bacaadka xirey qeybo ka mid ah wadooyinka magaalada kismaayo.

Waxaana ay wasaaradu u samaysay ka soo qayb galayaasha shirka aqoon kororsi laxiirira sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka uu la kulmo deegaanka.

Dadkii ka soo qayb galay kulan looga hadlaayey Arimaha deegaanka ayaa intii uu socday shirka ka jeediyey kadalo kookooban.

Ugu danbayntii waxaa kulan soo xidhay Wasiir kuxigeenka  wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Maxamed Cabdi