Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta dhallinyarada Soomaalliyeed ee 15-ka May oo maanta ku beegan.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu hambalyo ugu diray dhallinyarada Soomaalliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in la xusayo sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Waxaa uu sheegay Rooble in dhallinyaradii Soomaaliyeed ee xornimada horseeday ay Soomaali dhaxalsiiyeen taariikh mug weyn oo ifeysa iyo tusaale Soomaalinimo, Gobanimo, Daljaceyl iyo Isku duubni.
“Xornimadii dalka ka hor iyo ka dibba, si weyn ayuu u muuqday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha qeybeheeda kala duwan, siiba difaaca dalka iyo howlaha Qaran ee muhiimka ah. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro” ayuu yiri Rooble.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku booriyey in ay kaalintooda qaataan, isku duubnaadaan oo dhexda u xirtaan sidii aan dalka uga saari lahayn marxaladda adag ee uu marayo.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa ka qeybgalkooda dhinacyada kala duwan, si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.