Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh Oo Wadahadal Ka Yeeshay Arrimo Muhiim Ah

962

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay aheyd kulan gaarka ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Inta uu socda kulanka labada Madaxweyne hore ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo dhammaystiri lahaa heshiiskii uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Shariif iyo Xasan ayaa qodobada ay ka hadleen waxaa ku jiray sidii loogu diyaar-garoobi lahaa Shirka wadatashida Qaran loo ballansan yahay inuu 20-ka May ka dhaco Magaalada Muqdisho iyo arrimo oo kale gaar u ahaa.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo ay socdaan qorshayaasha loogu diyaar garoobayo qabsoomida Shirka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roooble isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, si loo xaliyo khilaafka taagan.

Kulanka Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid Xisbiyada ay labada Madaxweyne kala hoggaamiyaan.