Sheekh Shariif oo Baaq u diray Dowladda Federaalka, kadib musiibo dhacday

1040

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay la kulmay qoysas Carruur ay shalay uga dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa qoysaska uga tacsiyeeyay Carruurtii ka geeriyootay, isla markaana waxaa uu Alle ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaska, isagoona garab istaagna u muujiyay.

Xasan Cabdullaahi Gacal oo 5 Carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalid 3 carruur ah oo hooyadood Cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay oo Carruurtoodii ku waayay daadad ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariifka ayaa waxaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay.

Ugu yaraan 7 Carruur ayaa ku geeriyootay daadadkii ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Muqdisho, waxaana daadadka ay Carruurta ugu galeen Gurigii ay ku sugnaayeen oo ku yaalla xaafadda Buula-xuubey ee degmada Wadajir.