Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaaladaha ka taagan Muqdisho

944

Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay dagaaladii u dheexeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo ee maalin kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxaa marka hore lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin dagaaladii ka dhacay Magaalada Caasimadda ah Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Mareykanka ayaa dowladda Federaalka iyo Mucaaradka kasoo horjeeda ugu baaqay inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaaf ka dhashay muddo kororsiga ay ku dhaqaaqday dowladda iyo wax kasta oo u baahan xal.

“Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay dib u bilaabaan wadahadalada hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka degdega ah”ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay tixgaliyaan dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddi-daadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Sida uu xoghayaha horey u sheegay, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka.

Dagaaladii ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka kasoo horjeeda ayaa waxaa walaac ka muujiyay dalal badan oo sheegay inay ka cabsi qabaan in Soomaaliya dib ugu laabato dagaal sokeeye, kuna baaqay in dib loogu laabto wadahadal, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.