Wajiga labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka oo manta Kismaayo ka bilowday.

1234

Wajiga labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka oo manta Kismaayo ka bilowday.

Waxaa manta magaalada Kismaayo ka bilowday Wajiga 2-aad ee tartanka Quraanka Kariimka ah oo ay u soo gudbiin 52 arday oo kala socda 21 madaraso oo ku yaala magaalada Kismaayo.

Wajiga 1-aad ee Tartanka oo socday sadex maalin aan soo dhaafnay ayaa waxaa ka qayb galay 153,iyadoo ay ka soo gudbeen 52 oo kaliya.

Ardayda ku guulaysta Kaalimaha hore ee tartanka ayaa waxaa lagu abaalmarinayaa  lacag iyo baabuur.

Kaalinta 1-aad ee sodonka Jus ee quraanka iyo kaalinta 1-aad ee 15 jus ee quraanka waxaa ay ku guulaysan doonaan baabuur halka kaalinta 1-aad ee Tobanka Jusna uu lagu abaalmarin doono $1000.

Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Shilaabo oo ah isuduwaha tartanka quraanka kariim-ka ah ayaa Radio Kismaayo uga warbixiyey sida uu socdo wajiga labaad ee tartanka

Codka

Tartanka quraanka Kariimka ah ayaa sanad walba Bisha Barakaysan ee Ramadaan laga qabtaa gudaha magaalada Kismaayo,iyadoo oo ka qayb galaan Madarasooyinka quraanka ee gudaha magaalada