Maxkamadeynta Rag Loo Heysto Dilkii Guddoomiyihii Hodan O Bilaabatay

978

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabatay maxkamadeynta rag loo heysto dilka guddoomiyihii hore degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun oo bilowgiis sanadkan degmada Howlwadaag lagu toogtay goor habeen ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah bilaawday dhageysiga dacwadda lagu soo oogay ragga ku eedeysan dilkii Marxuum Dhegajuun.

Goobta ay bilaabatay Maxkamadeyntu waxaa ku sugan saraakiisha sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, rag loo heysto dilka, ehellada labada dhinac iyo dad kale oo ka qeyb galaya fadhiga Maxkamadda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa horey u sheegay in dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhaga-juun uu ahaa mid dhacay si kula kac ah, ayna ku ogaadeen baarista la sameeyay.

Si kastaba Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay, xili habeen ah Is-rasaaseyn ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka.