Sawiro:-Qalalaase Ka Dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho

909

Shaqaaqada oo dhalisay gacan-ka-hadal  ayaa waxaa ay dhex-martay Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka, kuwaas oo ku wada sugnaa Gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay gacan ka hadalka, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay sabab u ahayd kadib markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ay Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay raggan la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalka diideen.

Sawirro laga helay qalalaasaha  ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa muujinaya burbur ka muuqda qaybo ka mid ah garoonka, waxaana la sheegay in in gacan ka hadal uu dhexmaray dharcad hubeysan oo ka tirsan nabadsugidda iyo hawlwadeenno ka tirsan immigration ka, gaar ahaan qeybta duullimaadyada caalamiga ah.

 

wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidanka gudaha u galay xaruunta ay   bistoolado ku garaceen shaqaalihii goobta ka shaqaynayay, waxaana wararku tilmaamayaan in gacan ka hadal uu meesha ka dhacay, inkastoo aysan jirin ilaa iyo hadda cid ka hadashay haddana waxaa la sheegay in Ciidanka Goobta tagay ay jejebiyeen qalabkii lagu shaqeynayey.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in shaqaaqada ay saameyn ku yeelatay muddo saacado ah Shaqada Garoonka wallow markii dambe ay xaaladda si caadi ah kusoo noqotay, waxaana siweyn looga dareemaya Shaqaaqada Gudaha Garoonka.