Midowga Afrika oo maanta la filayo in ay shir ka yeeshaan xaalada Soomaaliya

907

Waxaa maanta la filayaa in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay shir deg deg ah ka yeeshaan ismari waaga ka taagan doorasha Soomaaliya iyo xaalada cakiran uu xiligan dalka marayo.

Sida ay sheegayaan wararka midowga Afrika ayaa qaadan doono door hoggaamineed oo ku aadan xal u helida jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.

Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Ergey cusub oo dhex dhexaadiya dhinacyada isku hayo siyaasada soomaaliya.

Shirka midowga Afrika ayaa marka uu soo dhamaado ayaa la filayaa in warmurtiyeed ay ka soo saaraan marxalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha waqtigiis dhamaade  Farmaajo uu madaxweynaha Congo ka dalbaday inuu dhex dhexaadiyo mucaaradka iyo dowladda.