Alle ha u naxariistee waxaa goordhaweyd Muqdisho lagu dilay dhakhtar Buurane oo ka mid ahaa Dhaqaatiirta sida weyn looga yaqaanno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilka Marxuumka.
wararku waxaa ay sheegayaan in Marxuumka lagu dilay xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Ceynu Shamsi, waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in dilka ay fuliyeen dabley hubeysan.
Dr Buurane ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirka ka howlgala Muqdisho kuwaada ugu caansan, waxaana lasoo sheegayaa in goobta uu dilku ka dhacay ay gaareen Ciidanka ammaanka Dowladda kuwaasi oo wada howlgal ay ku baadi goobayaan dableydii falka gaysatay, inkastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin cid loo soo qabtay dilka dhaqtarka.
Alle ha u naxariitee Dhaqtarka ayaa qaabilsanaa Cudurada ku dhaca Maqaarka, isagoo in muddo ah kasoo shaqaynayay, waxaana sidoo kale uu ahaa dhaqtar ay bulshada Muqdisho si weyn u garanayaan.