Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil gaari ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Shilkaas ayaa yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano deeynada oo siday hilib kuna socday xawaare sare oo yimid dhinaca Dalcada Boondheere uu ku fariin goostay fariisimo Ciidamo ka tirsan Booliska ku leeyihiin Daljirka daahsoon.
Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shilkaas uu ku dhintay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo ku sugnaa afka hore ee taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere.
Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo gudaha ugu jiray taalada ayaa la sheegay inay fureen rasaas xoogan, kadib markii ay gaariga fariin goostay ay ka shakiyeen, in kastoo aysan khasaaro geysan, maadaama xili saq dhexe ay aheyd, xiliga shilka.
Habeeno kahor ayey markii gaari nooca xamuulka qaado ah uu ku rogmaday agagaarka Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho dhinaca xiga Boondheere, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.