Wasaarada Kaluumaysiga Jubbaland oo gadiid cusub ku wareejisay kaluumaystada Kismaayo.

1025

Wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee Jubbaland ayaa qaar ka mid ah Dadka ka ganacsada kaluumaysiga ku wareejisay gawaadhii ay ku iibin karaan kaluunka,kaasi oo fududaynaayo ganacsatada in macaamiishooda ugu gayn karaan goobaha ay degan yihiin.

Dadka lagu wareejiyey gawaaridan ayaa gaadhaya 24 qof oo kaluumaysato,Kuwaasi oo lagu wareejiyey sideed gaadhi,waxaana sadex qof ku soo aadaya hal gaadhi.
Qorshaha laga leeyahay baabuurtaan ayaa ah in dadka ganacsada kaluunka la kordhiyo awooda dhinaca ganacsiga.

Gudoomiyaha Iskaashatada ee kaluumaysiga Maxamed Cali Muuse ayaa sheegay in ay wax badan ka badali doonaan ka nolasha qoysaska ku tiirsan ka ganacsiga kaluumaysiga .
“Gaadiidkan manta nalagu wareejiyey waxaa uu wax-badan ka qayb qaadan doona horumarinta ganacsiga kaluumaystada,qaasatan dadka manta la siiyey” sidaas waxaa yidh Gudoomiyaha Iskaashatada kaluumaysiga.

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee Jubbaland Ibraahim Cabdi Xaasan Baajuun ayaa Faah-faahiyey mashruucan agab wareejinta ah iyo waxaa uu ka badali doono kaluumaysatada.