Maamulkii Trump oo 276 weerar ka fuliyay Soomaaliya

1077

Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciidamada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka haystaan gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabacaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo gaarto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRICOM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020.

Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in ururka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala kulmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya.

Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaabadii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo saaro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u arkeen inay timid xilli aan munaasib ahayn maadaama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinayso, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhoweeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maraykanku kaga jiray dibedda