Dhagayso:Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobolka Gedo

1315

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden oo Wareysi Gaar ah siiyay idaacada Radio Kismayo ayaa  ka hadlay xaalada bani’adannimo ee ka jirta gobolka Gedo iyo talaabooyinka u qorshaysan Jubbaland iyo sida ay hadda jubbaland  wax uga qabanayso abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta gobolka.

Shacabka gobolka Gedo Ayaa Waxaa Saameysay abaar ba’an, waxaana qaar ka mid ah xoola-dhaqatada ay bilaabeen in ay u hayaamaan deegaanno kale si ay biyo iyo baad ugu helaan xoolahooda.

Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in Jubaland ay ka walaacsan tahay abaaraha ka taagan gobolka Gedo iyo waliba xanuunka Covied 19 oo is biirsaday.

Hay’adda Gargaarka ayuu u diray baaq ku aadan sidii loo caawin lahaa dadka Abaarta ay saamaysay iyo waliba hay’adaha kale ee gobolka ka howlgala,waxaana uu xusay in magaalada Nairobi oo ku sugan yahay uu kula kulmay madaxda hay’adaha samafalka si wax looga qabto xaalada abaarta.