Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo sheegay in aysan qeyb ka aheyn heshiiskii Baydhabo

1116

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Xilkiisa Dastuuriga ah dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Cabdi Xaashi ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeyay sharci ku tumasho, waxaana uu tilmaamay in Dastuurka dalka uusan ku dhaqmin, isagoo sheegay in waxyaabaha ay isku khilaafeen ay ugu weyn tahay Dastuurka dalka.

Waxaa uu sheeegay in Madaxweynuhu uu horay u saxiixay guddiyo aan sharci aahyn, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shirarka la qabanayo in aysan aahyn kuwo Soomaaliya xal loogu raadinayo, isagoo sheegay in aan loo dhammeeny.

 

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir isugu yeeray dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir, isla markaana aysan jrin cid uga qeyb-galeysa ama ku mataleysa Gobolada Waqooyi.