Jubbaland Oo Ka Hadashay Banaanbaxa Ay Ku Dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta

962

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay banaanbaxa ay ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo maalinta Jimacada ka dhici doona Magaalad Muqdisho gaar ahaan Daljirka daah-soon.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhaweeyay banaanbaxa ay ku baaqeen Midowga Musharaxiinta oo lagu dalbanayo in dalka laga qabto doorasho heshiis lagau wada yahay oo xor ah.

Maxamuud Sayyid ayaa sheegay in arrin wanaagsan ay tahay wax kasta oo lagu dalbanayo xuquuqda shacabka oo nabadgalyo ku dhaca, isla markaana banaanbaxaas uu yahay mid dastuuri ah oo dareenka shacabka lagu soo bandhigayo.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayuu Maxamuud Sayyid ugu baaqay inay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal oo goobta banaanbaxa ka dhaco, sidoo kalena shacabka ay muujiyaan dareenkooda.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaliya ka dalbaday inay dulqaad muujiso oo ay dhageysato dhaliisha ay u jeedinayaan dadka kasoo qeyb geli doonaa banaanbaxa ka dhacaya Magaalada Muqdisho.