Taliska Ciidanka Xoogga Oo Ka Hadlay Howlgal Waddo Furis Ah Oo La Fuliyay

919

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobolka Hiiraan ayaa howlgalo qorsheysan oo waddo furis ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad General Axmed Maxamed Tareedishe ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal maalmihii lasoo dhaafay ay sameeyeen, isagoona sheegay inay ku guuleysteen furista waddooyin badan oo Al-shabaab ay horey u xireen.

Taliye Tareedishe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in inta uu socday howlgalka wadda fursita ahaa ay Ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaano ka tirsan Hirshabeelle ku dileen in ka badan 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay in Ciidanka ay miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah kasoo soo saareen waddooyin badan oo xiriiriya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo xusay in miinooyinkaas la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka qeybta 27-aad ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka ka dhan ah Al-shabaa ay sii wadi doonaan, isla markaana Ciidamada dowladda ay doonayaan inay qabsadaan deegaano ay ku sugan yihiin Shabaabka.

Hadalkaan Taliye Tareedishe ayaa waxaa uu kusoo  aadayaa, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay Kolonyo ay la socdeen Ciidanka qeybta 27-aad ay Al-shabaab qarax miino ah kula eegteen deegaan Gobolka Hiiraan, xili ay kasoo baxeen degmada Buulo-burte, waxaana qaraxaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.