Juvntus oo shaacisay in Cristiano Ronaldo uu dib ugu soo laabtay magaalada Turin.

1124

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay fiidnimadan Arbacada ah in weeraryahankeeda Cristiano Ronaldo uu dib ugu soo laabtay magaalada Turin ee dalka Talyaaniga, kaddib markii uu ka soo dhaqaaqay xerada tababarka ee xulka Portugal, kaddib markii la shaaciyay in laga helay Korona Fayras.

Xiriirka Kubadda Cagta Portugal ayaa waxay shaaca ka qaadeen in weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo uu ku dhacay caabuqa corona virus

Cristiano Ronaldo ayaa karantiil ku jiri doona muddo aan ka yarayn 10 maalmood, sida uu qabo sharciga dalka Talyaaniga, maadaama uu ka shaqeyn doono sidii uu qeyb kaga noqon lahaa kulanka Juventus iyo Barcelona tartanka Champions League ee la ciyaari doono dhamaadka bisha.

Juventus ayaa ciyaari doonta kulamo badan oo la sugayo bishan, gaar ahaan bilowga wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Wargeysyada Talyaaniga ayaa maanta sheegay in Ronaldo uu si dhab ah uga shaqeyn doono sida uu qeyb kag noqon lahaa kulanka Juventus ay ku wajihi doonto Barcelona dhamaadka bishaan tartanka Champions League.